Musharax Hambalyo u diray Shacabka Somaliyeed Munaasabada 26 June

HomeWararka

Musharax Hambalyo u diray Shacabka Somaliyeed Munaasabada 26 June

Musharaxa Madaxtinimadda Puntland Mudane Siciid Cali Axmed Qurbaawi ayaa isagoo ku sugan dalka Maraykanka shacabka Somaliyeed la waddagay Hambalyo ku

Taliyihii Hore Ciidanka Booliska Xijaar oo Laascanood lagu soo dhaweyeey
Hogaamiye Firdhiye: “Waan idin ka mahadcelinaya soo dhaweynta Garoowe igu samayseen
Guddoomiyaha Barlamaanka oo magacaabay Guddi KMG ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka

Musharaxa Madaxtinimadda Puntland Mudane Siciid Cali Axmed Qurbaawi ayaa isagoo ku sugan dalka Maraykanka shacabka Somaliyeed la waddagay Hambalyo ku aadan 26 June oo ah Maalin qiimo weyn ugu fadhida shacabka Somaliyeed ,wuxuna qoraal uu nasoo garsiyaay u dhignaa sidatan.

” Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 58 sano guuradii ka soo wareegtay 26ka June iyo xuriyaddii gobollada Somaaliyeed ee waqooyi.

Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana Bulshaddii Wakhyigaas Ee Darreenka Iyo Xorriyada midnimadda Iyo Wadaniyadda Ku Weyneyd iska Tuurreen Heeryaddii Gumeysitihii Ingiriiska in ka badan 70-sano, Waa arin La Hirgeliyey iyadoo Shacabka Somaaliyeed Oo idil Ficil,Hiil iyo Hoo-ba Leh iyo Wiliba Taageero U Muujinayay Bulshada Soomaaliyeed ee Gobolada Waqooyi waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii.

Munaasabadan 26-ka Juun ayaa Ah Munaasabad Qiimo weyn ugu fadhida Umada Soomaaliyeed waxaana Munaasabadan ay ka mid tahay Taariikhda Qaaliga aha ee Dalkeena Soomaaliya Uu Leeyahay

Ka Musharax Ahaan Siciid Cali Axmed Qurbaawi Waxaan Leeyahay,Dadka Soomaaliyeed meel walba ay caalamka Kaga nool yihiin Waa ciide,Ciid Wanaagsan,waa maalintii ugu horeeysay ee calan Soomaaliyeed dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taago, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu weyneyaa maalintaasi ku asteysan maanta Oo Kale Dalkeenna” 

Musharax Madaxweyne Puntland 2019 Siciid Cali Axmed Qurbaawi
Nabad iyo Nolol
2019

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: