Ardayda Reer Baladwayne oo maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga

HomeWararka

Ardayda Reer Baladwayne oo maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga

Ardayda faslka 4aad ee dugsiga sare iyo shanaad ee dugsiga dhexe ee magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay oo Axad ah u fariisana

Faraax Cali Shire Wasiirkii hore ee maaliyada Puntland oo Akhrinaya go’aanadii guddiga (daawo)
Barlamaanka Somaaliya oo Maanta Ansixiyeey Guddiga Madaxa Banaan ee ladagalaanka Musuq Maasuqa (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamud Cabdi Ibrahim Daljir Bossaso (dhegayso)

Ardayda faslka 4aad ee dugsiga sare iyo shanaad ee dugsiga dhexe ee magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay oo Axad ah u fariisanaya imtixaanka shahaadiga, kadib daadadkii kadhashay fatahaadda wabiga ee saamayeey bulshada magaalada Baladwayne iyo dugsiyada waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya C/Raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay gaarey Baladweyne ayaa Maanta u furaya Imtixaanka 1400,oo Arday oo sanadkaan ka qalan jebinaya dugsiyada Sare ee Magaalada Baladweyne.

19kii Bishii la soo dhaafay ee May ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxa ay qaaday imtixaanka mideysan ee dugsiyada Sare kaas oo si isku-mid ah looga qaaday Ardayda deegaanada maamulada,Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo deegaanada kale ee Hir-Shabeelle marka laga reebo Baladweyne.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0