Somaliland oo ka carootay warqad uga timid wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya

HomeWararka

Somaliland oo ka carootay warqad uga timid wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya

Maamulka Somaliland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah ergayga QM ee arimaha Soomaaliya Micheal Keating, waxaana qoraal uu maamulka Somaliland uu udiray

RW Rooble oo ku dhawaaqay Liiska golaha wasiiradda DFS (Akhriso)
Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya oo ka hadlay Dalabkii Xeer ilaaliyaha Qaranka
Asma Shiikh Axmed – Q2aad: “Dulmiga Dahsoon” iyo sidii rag caddaan ahi ay dalka gudihiisa iiga afduubteen si xubnaha jirka la iigala baxo (dhegayso)

Maamulka Somaliland ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah ergayga QM ee arimaha Soomaaliya Micheal Keating, waxaana qoraal uu maamulka Somaliland uu udiray QM sheegay maamulka Somaliland inuu caburin uu ku hayo shacabka gobolka Sool iyo carqalad ay ku hayso mandiqadda Geeska Afrika.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay qoraalka Keating uu u diray Beesha Caalamka inuu yahay mid been abuur ah.

Somaliland ayaa sheegtay inay jirin wax caburin ah oo ay ku hayso shacabka gobolka Sool, iyadoona wakiilka QM lagu dhaliilay inuu iska indho tiray hormarka ay gaartay Somaliland, sida lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay xuduud ka maqantahay oo dhan 70km, dhulkii Ingiriiska uu gumaysanayay ee Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: