Madaxwaynaha Galmudug oo Wasiiro Cusub magacaabaya

HomeWararka

Madaxwaynaha Galmudug oo Wasiiro Cusub magacaabaya

Wararka laga helayo magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya madaxwaynaha Galmudug inuu magacaabayo gollle wasiiro oo cusu

Madaxwaynaha Puntland oo kala diray Golihii Deegaanka ee Degmada Badhan
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wararka laga helayo magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya madaxwaynaha Galmudug inuu magacaabayo gollle wasiiro oo cusub.

Golahan wasiirada ayaa waxaa qayb ka noqon doonaa maamulkii Ahlu Sunah ee gobolada dhexe oo dhowaan ku biiray Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo dhamaaday wadatashiyo madaxwayne Axmed Geelle Xaaf uu la sameeynayay dhinacyada kalle duwan ee bulshada Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa dhowaan kasoo horjeestay heshiiska awdood qaybsiga ee dhexmaray Galmudug iyo maamulkii Ahlu Suna Waljaamaca oo qayb ka ahayd in baarlamaanka labada dhinac la mideeyey.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: