Abaandulihii hore Ciidanka Xogga Dalka oo  ku geeriyooday Dalka Ingiriiska

HomeWararka

Abaandulihii hore Ciidanka Xogga Dalka oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soom

Puntland oo taalo u dhisaysa AUN Guddoomiyihii gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur
Musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo kuxigeenada oo khudbadhooda jeediyay
Alshabaab oo Soo Bandhigtay Gaari ay Ka Dhacday Madaxweynaha Kenya (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

S/gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Meydka Marxuumka la keenayo magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: