Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Qaahira kula kulmay Madaxwaynaha Masar

HomeWararka

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Qaahira kula kulmay Madaxwaynaha Masar

Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abey Axmed ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay madaxwaynaha dalka Masar Cabdifitaax Al- Siisi, iyagoo

Wafdi ka socda QM oo gaaray Doolow Gedo
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ballan Qaaday In Garoonka Ciyaaraha Muqdisho Lagu Dhisayo Barnjaamijka Is-xilqaan (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abey Axmed ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay madaxwaynaha dalka Masar Cabdifitaax Al- Siisi, iyagoona ka wada hadlay xiriirka labada dal ka dhexeeya, muranka wabiga Niil iyo maalgelinta labada dhinac.

Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abey Axmed ayaa ka sheegay kulan si wadajir ah ay u qabteen madaxwaynaha Masar inuu wadankiisa doonayo inay labada wadan ku wada noolaan nabad, xiriirka oo la xoojiyo iyo maalgelinta labada dhinac.

Waxaa uu sheegay Itoobiya inay xanibi doonin biyaha Nile-ka ee Masar, mar uu ka hadlayay muranka labada dowladood ee biyahaasi oo Masar uu kasoo galo dhaqaale badan.

Madaxwaynaha Masar ayaa dhankiisa u mahadceliyay dadaalka raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya uu wado ee uu u qaaday dhanka siyaasadda, isagoona guul ku tilmaamay dhammaan qodobadii laga wada hadlay.

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo ku salaysan dhanka biyaha wabiga Nile ee dalalkaasi mara ayaa gaaray inay ku loolamaan gudaha Soomaaliya, waxaana jira shaqsiyaad iyo ururo xiriir la leh dowladda Masar oo nacayb aad u wayn u qaba dowladda Itoobiya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: