Weerar kadhacay Kantoroolka Siinka Dheer ee Muqdisho

Weerar kadhacay Kantoroolka Siinka Dheer ee Muqdisho

Weeraro madaafiic ah ayaa lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Nabd Sugidda ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Weerarkan ayaa dhacay barqanimadii maanta, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay maqlayeen rasaas weerarkaasi looga falcelinayo oo ay ridayeen ciidamada la weeraray.

Lama oga khasaaraha kadhashay weerarka maanta lagu qaaday kantoroolka Siinka dheer oo dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Waa weerarkii labaad oo lagu qaaday kantoroolka ciidamada ay joogeen ee Siinka dheer tan iyo xalay.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com