HomeUncategorized

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo booqday Beledweyne.

Beledweyne, Nov 28, Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo aniga qaranka ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shir ballaaran oo ku saabsan taabagalinta dimuqraaddiyadda Puntland oo Garowe ka furmay.
Qarax lala beegsaday ciidanka amniga Boosaaso oo khasaaro gaystay & ciidanka oo hadda ku raadjooga ciddii ka danbaysay.
(DHAGEYSO) Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo si kulul uga hadlay Xirnaanshaha Radio Daljir

?

Beledweyne, Nov 28, Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo aniga qaranka ?ee ?Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
?
Socdaalka Wasiirka iyo waftiga la socda ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii ay uga tacsiyeyn lahaayeen geerida Nabadoon Maryacade oo shalay lagu diley magaalada Beledweyne.
?
Kadib soo dhoweyn waftiga Wasiirka loogu sameeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif International Airport ee magaalada Beledweyne ayaa Wasiirku kulamo la qaatay, Maamulka gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku hawlgala magaca Amisom iyo Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan isoo dhinacyadaasi kala duwan ay kawada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee magaalada.
?
Booqashada wafdiga ayaa qaadan doonta muddo saacado, iyadoo gelinka dambe lagu wado inay dib ugu ?laabtaan magaalada Muqdisho.
?
Iskusoo wada duuboo ?wafdigan ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa noqonaya kii u horeeya ee taga Hiiraan tan iyo markii la soo dhisay xukuumada Ra’isal Wasaare Saacid.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: