Madaxweynaha Soomaaliya oo Ethiopia tegey.

Addis Ababa, Nov 28, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Md Xasan Sh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

?
Socdaalka M/weynaha oo qadan doona mudo maalmo ah ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii M/weyne Xasan kulamo ula qaadan lahaa madaxda sare ee dalka Ethiopia oo uu ugu horeeyey Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Xeyla Maryan Desalle.
?
Waftiga Madaxweynaha oo barqanimadii maanta ka duula Magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Addib Ababa ee caasimada Ethiopia, Waxaana soo dhoweynta Madaxweynaha ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dawlada Ethiopia iyo Madaxda Safaarada Somalia ee Addib Ababa.
?
M/weynaha Waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Waxaana la filayaa in Madaxda Ethiopia ay kala hadlaan arimaha Milatariga Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com