Islaan Bashiir ISlaan C/dulle oo maanta Gaalkacyo soo gaaray si weyna loo soo dheweeyay.

Gaalkacyo, 28-Nov- Waxaa duhurnimaddii maanta magaalada Gaalkacyo soo gaaray Islaan Bashiir Islaan C/dulle oo bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa dalka dibaddiisa.


Islaanka oo ka soo dagey garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ayaa halkaasi waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka, kan degmada iyo boqolaal qof oo isaga kala yimid xaafadaha magaalada qaar, kuwaasoo saacado ka hor isa sii tubay gudaha iyo hareeraha gagida.


Gawaari lagu dhajiyay sawirka islaan Bashiir iyo dad wata caaleemo qoyan ayaa buuxiyay waddooyinka magaalada gaar ahaan jidka laamiga.


Islaan Bashiir ayaa loo gudbiyay hoygiisa oo ku yaal xaafadda Israac, isagoon wax war ah siin saxaafadda.
Imaatinka Islaanka Bashiir ayaa ku soo aadaysa xili shalayna Gaalkacyo uu soo gaaray Suldaan C/qani Suldaan Xasan Cali Baalle.


Diiwaanka wararka daljir


(S)

?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com