HomeUncategorized

Wafti isku jira QM iyo midawga Yurub maanta Garoowe yimid, lana kumay M/weyne Faroole

Garowe, Nov 19 - Waxaa maanta oo (Isniin ah) magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland yimid wafuud caalami ka kala socotay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyo waddamada midawga reer Yurub.

DHEGEYSO-Faahfaahinta weerarkii Alshabaab ku qaadeen deegaanka Laanta-buuro.
Baahin: Axad, May 01, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ay QM ka soo saartay xaalada Somaliya; Prof. Maxamed Xareed Cali ayaan ka waraysanay … Taliyihii ciidanka AMISOM ee Somaliya ee la badelay oo la sagootiyey, taliyaha cusub oo la soo dhaweeyey; M/weyne Shariif oo ka hadlay … Shir lagu gorfeeyey isk-horimaadkii ka dhacay xaafada Garsoor oo ka dhacay madaxtooyada Galkayco … Maalinta shaqada & shaqaalaha aduunka oo laga xusayo Puntland; Indha-gurad, wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaa ka waraysanay …
Baahin: Axad, Apr 24, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Munaasabad lagu maamuusay barnaamijka tallaalka carruurta ee cudurada dilaaga ah oo lagu qabtay Garowe; M/weyne Faroole oo ammaanay waxqabadaka wasaarada caafimaadka … Gen. C/samad Cali Shire oo shir wada-tashi ah la yeeshay guddiga amniga ee Bossaso, kormeerayna madaarka iyo dekedda Bossaso … Xayiraad lagu soo rogay gaadiidka u safra degaanka Majarre ee gobolka Bari; odayaasha dhaqanka oo cabasha ka soo jeediyey arrintaas … Cawke, Gudd. cusub ee gobolka Mudug oo wareejiyey xilkii agaasime ee uu hore uga hayey wasaarada waxbarashada … Warbixin guud oo ku saabsan saamaynta abaaraha ee gobollada Puntland …

?

Garowe, Nov 19 – Waxaa maanta oo (Isniin ah) magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland yimid wafuud caalami ka kala socotay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay iyo waddamada midawga reer Yurub.

Wafuuddaan oo ku soo kala degay labo diyaaradood, waxaa hoggaaminayey ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ergayga lagu magacaabo Mr. Yury Fedotov, waxaana weheliyey safiirrada dhawr waddan oo Yurub ah u qaabilsan Soomaaliya sida Finland, Holland, Britain, France, Norway iyo saraakiil sarsare oo ka socotay hay?adaha qaabilsan la dagaallanka burcadda.

Socdaalka wufuuddaan, ayaa salka ku hayay sidii deegaannada Puntland looga hirgalin lahaa mashaariic hormarineed oo ay ugu horreeyaan dhisidda xabsi weyn oo lagu hayo dadka lugu qabto falalka burcad-badeednimada, iyadoo sidoo kalena Puntland laga hirgalinayo ciidamo asluubeed oo u tababaran hannaanka lagu dhawro xaquuqda maxaabiista iyo hab-dhaqanka gaar ahaaneed ee loola tacaamulo.

Mas?uuliyiintaan sarsare ee ka socday QM iyo midawga Yurub, waxaa garoonka diyaarahaha magaalada Garowe ku soo dhaweeyey m/weyne kuxigeenka iyo xubno kala duwan oo iskugu jira golayaasha xukuumadda iyo baarlamaanka, halka m/weynuhuna uu ku qaabilay aqalka madaxtooyada Puntland.

Kulankaasi madaxtooyada ka dhacay, madaxda waftigaas iyo m/weynaha Puntland Dr. Faroole, waxay kaga wada-hadleen arrimo badan oo ay ugu miisaan cuslayd macnahoodii safar iyo sida Puntland ay uga go?an tahay taabbo-galinta qorshaha mashaariiceed ee ay wadaan midawga Yurub iyo QM, sidaasna waxaa Radio Daljir xaqiijiyey saraakiil madaxtooyo ah.

Waftigaasi Intii ay ku sugnaayeen Puntland, waxay dhagax-dhigeen dhime weyn oo noqon doona Xabsi lagu aruuriyo dadka gala dambiyada burcad-badeednimada, iyagoo sidoo kalena goob-joog ka ahaa daah-furka tababar loo samaynayey cutubyo ka tirsan ciidanka askuubta Puntland, deegaan cusub oo loo sameeyey isla ciidankaas, kuwaasi oo loo sii carbinayo gacan ku haynta burcad-badeedda lagu soo xiri doona Jeelka dhismihiisa hadda la dhagax-dhigay.

Muashruucaan maanta taabbo-galintiisa laga bilaabay Puntland, ayaa ah mid muddo la dhawrayey, horayna ay u ballan-qaadeen waddamada ku jira ururka midawga Yurub, kaasoo dhinac socday qorshayaashii dunidu ugu talagaleen dabar-goynta burcad-badeednimada, qodobada horena kaga jiray nuxurradii ka soo baxay shirar badan oo ka dhacay meelo kala duwan, loogan hadlayey la-dagaallanka burcad-badeedda.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: