HomeUncategorized

Ururka Al-shabab oo dawladda Kenya ugu cago-jugleeyey in ay ku qaadi doonaan weerero ay ka qoomamayso.

Somalia, Oct 28 -Ururka Al-shabaab ayaa soo saaray hanjabaado digniineed oo ku wajahan dawladda Kenya kuwaasi oo muujinaya maaganaanta weeraro ay ka fuliyaan gudaha.

Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland oo ka warramay qorshayaal cusub oo tacabka xoolaha ah iyo xannaanadooda caafimaad.
DHEGEYSO-Maamulka degmada Boosaaso oo kudhawaaqay roob-doon.
Baahin: [Axad], [Mar 06], Weriye Cumar Afguduud…Gaalkacyo: Maxkamadda darajada koowaad oo xukunno kala duwan ku ridday eedeeysanayaal lagu soo qabqabtay howl-gallo ammaan oo magaalada ka socda …Howl-galladii adkaynta ammaanka iyo hagaajinta bilicda magaalada Gaakacyo oo galay todobaad …Laascaanood: Bannaanbaxyo looga soo horjeedo Somaliland oo ka dhacay magaalada iyo bilayska oo lagu eedeeyay khasaare …Boosaaso: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay mashaariic caafimaad oo soo wajahan …

Somalia, Oct 28 -Ururka Al-shabaab ayaa soo saaray hanjabaado digniineed oo ku wajahan dawladda Kenya kuwaasi oo muujinaya maaganaanta weeraro ay ka fuliyaan gudaha, xilliyada soo aaddan sida ay tilmaameen.

Warkaan Al-shabaab, oo lagu shaaciyey bar-internet oo ay iyagu leeyihiin, ayaa lagu xusay Al-shabaab in ay ka go’an tahay sidii ay uga aar-gudan lahayd dawladda Kenya, oo qayb ka ahayd duullaanno deegaanno muhiim u ahaa looga fara-maroojiyey.

Hadalkaan hanjabadda ah ee lagu shaaciyey internetka Al-shabaab, ayaa ku celcelinayey dawladda Kenya in ay ka qoomamayn doonto, soo galiddii gudaha Soomaaliya, iyo la dagaallamiddii Al-shabaab.

Horay ayaa hanjabaado kuwaan oo kale ururka Al-shabaab ugu soo direen dawladda Kenya, gaar ahaan intii ciidamada Kenya ay cagaha dhigeen carriga Soomaaliya, waxaana inta badan saraakiisha amniga ee Kenya hadalka Al-shabaab ay ku tilmaamaan war goodi ah oo aan ka weecin doonin dhabbaha ay hayaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: