Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland oo ka warramay qorshayaal cusub oo tacabka xoolaha ah iyo xannaanadooda caafimaad.

?

Hargeysa, Jan 29 – Wasiirka xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir Cali, ayaa maanta oo (Talaado ah) ?tafaasiil ka bixiyey qorshayaal ballaaran oo ay waddo wasaaraddiisa iyo wasaarado kale, kaasoo dhiira-galinaya dhaqashada xoolaha.
?
Wasiirku, waxaa uu sheegay muddo in ay wadeen dadaal arrinkaasi la xiriira, ayna unkeen guddiyo isku-dhaf ah oo ay xubno ka yihiin dawladda, ganacsatada iyo xoolo-dhaqatada, kuwaasi oo ku hawllanaan doona sidii wax looga baddali lahaa habka xoolalayda reer Somaliland, iyadoo la abuurayo hannaan lagu maalgashado xoolaha.
?
Dr. Cabdi Aw-daahir, waxaa uu intaasi ku daray in ay lagama maarmaan tahay tabaca iyo maalgalinta xoolaha nool, aysan mug-weyn lahayn hooyada iyo aabaha reer miyiga ah in looga haro dhawrista iyo dhaqista xoolaha.
?
Wasiir, waxaa sidoo kale uu sheegay sannadkii tagay ee 2012-ka deegaanadda Somaliland in ay ka dhoofeen xoolo aad u tiro badan, waxaana dibedda loo raray 3,200,000 kun neef oo Ari ah, halka lo’dana ay ka dhoofeen 158,000 kun, iyadoo xagga Geelana la dhoofiyey 125,000 kun neef.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com