Ururka Al-shabab oo dawladda Kenya ugu cago-jugleeyey in ay ku qaadi doonaan weerero ay ka qoomamayso.

Somalia, Oct 28 -Ururka Al-shabaab ayaa soo saaray hanjabaado digniineed oo ku wajahan dawladda Kenya kuwaasi oo muujinaya maaganaanta weeraro ay ka fuliyaan gudaha, xilliyada soo aaddan sida ay tilmaameen.

Warkaan Al-shabaab, oo lagu shaaciyey bar-internet oo ay iyagu leeyihiin, ayaa lagu xusay Al-shabaab in ay ka go’an tahay sidii ay uga aar-gudan lahayd dawladda Kenya, oo qayb ka ahayd duullaanno deegaanno muhiim u ahaa looga fara-maroojiyey.

Hadalkaan hanjabadda ah ee lagu shaaciyey internetka Al-shabaab, ayaa ku celcelinayey dawladda Kenya in ay ka qoomamayn doonto, soo galiddii gudaha Soomaaliya, iyo la dagaallamiddii Al-shabaab.

Horay ayaa hanjabaado kuwaan oo kale ururka Al-shabaab ugu soo direen dawladda Kenya, gaar ahaan intii ciidamada Kenya ay cagaha dhigeen carriga Soomaaliya, waxaana inta badan saraakiisha amniga ee Kenya hadalka Al-shabaab ay ku tilmaamaan war goodi ah oo aan ka weecin doonin dhabbaha ay hayaan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com