Guddiga gurmadka Fatahada Shabeele oo lacago lagu wareejiyaay

HomeWararka

Guddiga gurmadka Fatahada Shabeele oo lacago lagu wareejiyaay

Deeqdaan lagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Baardheere ayaa gudoomay lacag kaga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Guddiga

Xildhibaano katirsan Barlamaanka Somaaliya oo gaaray Balad Weyne
Ukrain oo u baroor diiqaysa dadkii lagu dilay Iran
Xildhibaan Hore Cawad Axmed Cashara oo ku Geeriyooday Canada

Deeqdaan lagu wareejiyay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Baardheere ayaa gudoomay lacag kaga timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddigaan Maxamed Muxumad Aadan oo dhanka kalana ah Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa guddoomay lacag gaareysa $100 kun oo Doolar oo guud ahaan Dadka Gobolka kunool la gaarsiinayo.

$25 Kun oo Doolar kamid ah Lacagtaasi waxaa loogu talagalay Dadka Barakacayaasha ah, isagoona Ballanqaaday in ay u qeybin doonaan dadka u baahan Gurmadkaasi.

Gudoomiye Maxamed ayaa sheegay in Maalmaha soo socda ay filayaan in ay Gaaraan Gurmad Gedo lagu geynayo Diyaarado oo isugu jiro Cunto, Teendhooyin, Maro-Kaneecooyin Maacuun iyo Baco.

Dadka deeqdaan la gaarsiinayo ayaa isugu jira Beeraley iyo Xoolo dhaqato Saameyn ku yeeshay Abaar, Fatahaad Wabiga Jubba uu ku sameeyay iyo Daadad kasoo rogmay roobabkii halkaa ka da’ay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: