HomeUncategorized

Dibadbax roobdoon oo kadhacay magaalada Qardho (Sawiro)

Qardho, Oct 20 - Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar dibadbax roobdoon oo alle looga baryaayay inuu adoomadiisa ka qaaddo dhibaatada abaarta ee wali qaybo ka mid ah ay ka taagantahay deegaano ka mid ah gobolka Karkaar.

Wefdiga Dowladda federaalka ee Marka oo loogu baaqay in ay bedelaan maamulka shabeelaha hoose
Ciidamada amaanka Bosaso oo tahriibayaal iyo doonidii ay la socdeen howlgal kusoo qabqabtay
R/wasaaraha Britain iyo madaxweynaha Maraykanka oo bogaadiyey xidhiidhka labada dal.

Qardho, Oct 20 – Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar dibadbax roobdoon oo alle looga baryaayay inuu adoomadiisa ka qaaddo dhibaatada abaarta ee wali qaybo ka mid ah ay ka taagantahay deegaano ka mid ah gobolka Karkaar.

Dibadbaxa roobdoon ayaa waxaa soo abaabulay culimaa’udiinka magaalada Qardho iyadoona ay kasoo qaybgaleen dad wayne tirrobadan oo kasocday xaafadaha magaalada Qardho ay ka koobantahay.

Culimaa’udiinka magaalada Qardho ayaa la hadlay dadwaynaha, waxaana ay ugu baaqeen bulshada in looga baahanyahay inay iscafiyaan si’ ay u helaan naxariista Eebbe oo dhamaystiran.

Dadka ayaa salaadda roobdoon lagu tujiyay fagaaraha wayn ee u dhaxaysa kantoroolka koonfureed ee magaalada laga soo galo iyo buundada Xiingood ee degmada Qardho.

Dibadbaxa roobdoon ayaa? kusoo beegmayaa xilli bulshooyinka xoollo dhaqatada ee kunool baadiyaha dhanka bari uga beegan Qardho ay wali ka cabanayaan biyo la’aan xoogan oo halkaasi ka jirta, roobabka dayrta ee ka curtay gobolada Puntland ayaan walli ka da’in da’in deegaano badan oo hoosyimaada degmooyinka Xaafuun iyo Rakkoraaxo ee gobolka Karkaar.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

\"\"

Diiwaanka Wararka

Daljir Bosaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: