Ciidamada amaanka Bosaso oo tahriibayaal iyo doonidii ay la socdeen howlgal kusoo qabqabtay

Bosaso, Aug 21 – Ciidamada booliska magaalada Boosaso ayaa howlgallo ay xalay ka sameeyeen tuulada Shimbiraalle oo masaafo 15km ah ka xigta cirifka bari ee magaalada Bosaso waxaa ay kusoo qabqabteen tahriibayaal doonayay inay si sharci darro ah ku gaaraan xeebaha dalka Yemen.

Howlgalkan oo ahaa mid qorshaysnaa ayaa waxaa ay? ciidamadu sheegeen inay kusoo qabqabteen inka badan 90-tahriibayaal Somaliya iyo Itoobiya ukala dhashay.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Cismaan Axmed Cawke Afadalow oo saxaafadda usoo bandhigay tahriibyaasha iyo 2-doonyood oo ay ku safrayeen ayaa waxaa uu sheegay ,ciidamadu welli inay ku raad joogaan mulkiilayaasha doonyaha tahriibka rarayay oo baxsaday.

Taliyaha ayaa dhinaca kalle hay’adaha samafalka kacodsaday inay dib u eegaan kaararka iyo lacagaha ay siiyaan dadka qaabka qaxootiga isaga diiwaan galiya, isagoo xusay lacagaha qaarkood in loo adeegsado tahriibka sharci darada.

Tahriibayaasha lasoo qabqabtay oo aanu waraysanay ayaa ku dooday qaarkood inay ahaayeen dad nolol iyo waxbarsho raadis ah, islamarkaana qaarkood ay u shaqo tagayeen wadanka Sacuudi Carabiya.

Tahriibka sharci darada oo loo adeegsado doonyo yarayar oo laashash ah ayaa waxaa lagu daabulaa dad kabadan xadiga loogu tallogalay doonyaha inay qaadaan,taasina waxaa ay keentaa marar badan inay dad badan ku geeriyoodaan xeebaha u dhaxeeya Somaliya iyo Yemen.
?

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Radio Daljir, Bossaso.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com