AMISOM oo Shaahadooyin gudoonsiyaay Saraakil katirsan Midowga Europe

HomeWararka

AMISOM oo Shaahadooyin gudoonsiyaay Saraakil katirsan Midowga Europe

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billado guddoonsiiyay saraakiil ka tirsanaa howlgalka Midowga Europe ee Soomaaliya. Wakiilka gaarka ah ee M

Maxaa looga hadlayaa maanta shirka Golaha Wasiirada ee Soomaliya ?
Duqa magaalada Nurdagi ee dalka Turkiga oo la xiray
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billado guddoonsiiyay saraakiil ka tirsanaa howlgalka Midowga Europe ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira,ayaa billado guddoonsiiyay labo ka mid ah saraakiisha Midowga Europe ee howlgalka Soomaaliya oo shaqdooda dhameystay.

Labada sarkaal ee billad sharafeedka la guddoonsiiyay waxaa ay kala yihiin Brigadier General, Pietro Addis, oo ahaa madaxa howlgalka Midowga Europe ee Soomaaliya (EUTM) iyo Jean Michelle Detarguiette, oo ahaa Lataliyihii dhinaca siyaasadda ee howlgalka (EUTM).

Danjire Madeira,ayaa saraakiishan uga mahad celiyay kaalintii ay ku lahaayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,waxaa uu u rajeeyay in ay si wanaagsan u gutaan shaqooyinkooda xiga.

Waxaa uu sidoo kale u mahad celiyay 28ka xubnood ee ku jira Midowga Europe isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin taageere xoog leh oo kaalmeeya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: