Axmed Madoobe “Dowladda Soomaaliya balan ayay iga baxday”

HomeWararka

Axmed Madoobe “Dowladda Soomaaliya balan ayay iga baxday”

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa ku eedeeyey Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya inay uga baxday balan ay wad

Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-ung oo maanta ku kulmaya xadka labada Kuuriya
Turkiga oo Sheegay Inuu Diyaar uyahay dhexdhexaadinta dhinacyada Isku Haya Itoobiya
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa ku eedeeyey Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya inay uga baxday balan ay wada galeen, isagoona ku eedeeyey inay la safatay dowladda Qatar khilaafkii soo kala dhexgalay dowladaha Khaliijka.

“Runtii xiligii uu khilafka bilaabanayay madaxweyne Farmaajo Imaaradka ayuu ku sugnaa waxa uu igala tashaday waxa laga yeelayo waxaana u sheegay in dowladdu ay dhex dhexaad ka noqoto si xal buuxa loo gaaro laakin sidii aan rabay manoqon waayo dowladdu waxa ay la safatay jufo gaar ah oo ah Qatar” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay jirin wax xiriir iyo waxqabad ay dowladda Qatar horay uga fulisay Soomaaliya.

Dowladda Qatar oo khilaafka uu kala dhaxeeyo dowladaha Khaliijka ayaa mashaariic ka wada magaalada Muqdisho iyo gobolada u dhow, kadib go’aankii dhexdhexaadnimada ay qaadatay dowladda Qatar.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: