Khayre oo Kormeeray Xarunta Ciidamada Xasilinta Muqdisho (sawiro)

Khayre oo Kormeeray Xarunta Ciidamada Xasilinta Muqdisho (sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xasilinta amaanka Caasiamdda, waxaana booqashadiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Benaadir ahana Duqa Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbxino ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaaeen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dajisteen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga gobolka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa mahed celin ka dib waxuu boggaadiyay howlaha muhiimka ah ee ay qabtaan ciidamadda Soomaaliyeed, taas oo shacabkuna ay ku qanacsan yhihiin sida ay ugu adeegaan meel-walba oo ay joogaan. Isagoona ku dhiiri galiyay in sii labo jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

“Wadashaqaynta maamulka gobolka Benaadir iyo ciidanka Xasilinta Muqdisho waxay ka turjumaysaa dadaalka loogu jiro in la soo celiyo amaanka magaalda oo waayahan laga shaqeynaayay, shacabka Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaan faraynaa in la shaqeeyaan ciidanka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ciidanka u soo jeediyay in ay aad u ilaaliyaan shacabka ay amnigooda suagayan si wanagsan ay ula macaamilaan marka ay shaqada ku jiraan, si ay sacabku ugu kalsoonaadaan ciidamada ka dibno loo helo wadashaqay buuxda.

—-DHAMMAAD—-
Maxmaed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com