Gobolka Banaadir oo ku taamaya helidda goleyaasha deegaanka

HomeWararka

Gobolka Banaadir oo ku taamaya helidda goleyaasha deegaanka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada dadaal wayn oo looga gol leeyahay in degmooyinka gobolka Banaadir laga hirgaliyo nidaamka goloyaasha deegaanka oo

Warka Fiidnimo, Cabdixakiim Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
CCC Carta Makhaayad & Hotel | u dhexaysa Bossaso – Qardho
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Khudbad ka Jeediyey Shir ka Furmay Doxa (daawo)

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada dadaal wayn oo looga gol leeyahay in degmooyinka gobolka Banaadir laga hirgaliyo nidaamka goloyaasha deegaanka oo ay shacabku soo doonaranayaan, si talada dib loogu celiyo bulshada.

“Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo ka hadlayay kulann socon doona muddo todobo xisho oo lagu soo bandhigayay baahinta maamulka ee gobolka iyo degmooyinka oo kadhacay Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay inay muhiimad siinayaan shacabku inay soo doortaan golayaasha deegaanka iyo degmooyinka, lana helo adeegyo bulshadu ay u simanyihiin oo ka caasimadda ka dhaqan gasha.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: