HomeUncategorized

Hay’ada IOM oo ka digtay shaqsiyaad ka been-abuurtay hay’adda.

Nairobi, Sep, 01 - IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay?ada IOM.

?Cismaan C. Boqorre, ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Somaliya oo aan waraysanay.
Baahin: Axad, May 01, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ay QM ka soo saartay xaalada Somaliya; Prof. Maxamed Xareed Cali ayaan ka waraysanay … Taliyihii ciidanka AMISOM ee Somaliya ee la badelay oo la sagootiyey, taliyaha cusub oo la soo dhaweeyey; M/weyne Shariif oo ka hadlay … Shir lagu gorfeeyey isk-horimaadkii ka dhacay xaafada Garsoor oo ka dhacay madaxtooyada Galkayco … Maalinta shaqada & shaqaalaha aduunka oo laga xusayo Puntland; Indha-gurad, wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaa ka waraysanay …
(Dhagayso Dood) Barnaamijkii Maanhadal oo ku saabsan Shirarkii Puntland iyo Beesha Caalamka ee fashilmay

Nairobi, Sep, 01 – IOM waxay ogaatay been abuurasho ay sameeyeen ama ay hal abuurkeeda leeyihiin shaqsiyaad iska dhigaya in ay yihiin dad ka mid ah shaqaalaha Hay?ada IOM. Shaqsiyaadkan ayaa lasoo xidhiidha ama lasoo xidhiidhey dad ka mid ah mujtamaca ku nool dhulalka Soomaalida iyagoo dadka u sheegaya in ay ku guuleysteen Bakhtiyaanasib si ay lacag uga helaan dadka.

Shaqsiyaadkan sameynaya been abuurashada, waxay u sheegayaan dadka biri-magaydada ah in ay ku guuleysteen bakhtiyaa nasiib loogu qaadi doono Waddamada ay ka mid yihiin Ingiriiska, Maraykanka, Kanada ama Austareeliya.

Fadlan Akhristo, ogow dadkani telefoonada dadka u soo diraya in ay yihiin Beenaaleyaal.

IOM malaha, kamana shaqayso wax kasta oo ku saabsan bakhtiyaa nasiib, waxayna halkan idiinka caddeynaysaa in ay bari ka tahay waxyaabaha la midka ah arintan.

Hadii aad heshid telefoonada noocan ah, fadlan ha rumeysan, hana u jawaabin, hana u hogaansaminin codsi kaaga yimaadda qof doonaya in aad lacag sidaas ku siiso.

Fadlan noo soo tabi hadii aad telefonada noocan oo kale ah hesho iyo wixii akhbaar ah ee la xidhiidha arintan adigoo fariintaada ku soo diraya Ciwaanka : [email protected] and [email protected]

Mahadsanidiin

?

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: