Xubin Muhiim u ahaa Xuutiyiinta Dalka Yemen oo la dilay

HomeWararka

Xubin Muhiim u ahaa Xuutiyiinta Dalka Yemen oo la dilay

Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa shaacisay in la dilay madaxii Siyaasadda ee Xuutiyiinta Dalka Yemen kaas oo ay dileen Isbaheysiga uu Sucuudiga hog

Maanka Dadwaynaha ee Daljir iyo Maxamuud Fantastic (dhegayso)
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada XFS oo kulan doceed la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq
WACAAL DAREY AH: Soomaaliya oo Kenya uga adkaatay dacwaddii badda

Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen ayaa shaacisay in la dilay madaxii Siyaasadda ee Xuutiyiinta Dalka Yemen kaas oo ay dileen Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee ka dagaallama Dalka Yemen.

Saleh al-Sammad,waxaa lagu dilay Gobolka Xudeyda ee Bariga Dalka Yemen,Xuutiyiintu waxaa ay sheegeen in dilka Madaxii Siyaasadda ay geysteen diyaaradaha isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo.

War ay soo saareen ayey ku shaaciyeen in beddelkiisa ay doorteen Mahdi al-Mashat,kaas oo noqonaya Madaxa Siyaasadda Xuutiyiinta Yemen.

Khudbad uu TV-ga ka jeediyay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Abdul Malik al-Houthi,ayuu ku sheegay in Madax Siyaasadda ay la dhinteen 7, qof oo kale oo ka mid ahaa Xuutiyiinta ayna dileen diyaarada Xulafada Sucuudiga.

Abdul Malik al-Houthi,waxaa uu sheegay in weerarka Sucuudiga iyo Xulafadiisa aysan joojin doonin rabitaanka shacabka Yemen ee u dagaallamaya dalkooda sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0