WACAAL DAREY AH: Soomaaliya oo Kenya uga adkaatay dacwaddii badda

WACAAL DAREY AH: Soomaaliya oo Kenya uga adkaatay dacwaddii badda

Soomaaliya ayaa Kenya kaga guulaysatay dacwadda badda ee Kenya vs Somalia, sidaasna Maxkamada Cadaalada Caalamka ee ICJ ayaa Soomaliya u xukuntay dacwaddii badda. Maxkamada ayaa sheegtay in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbanaanida Soomaaliya xaqna aysan u lahayn in badda Soomaaliya ay ku xadgudubto ayna jabiso xukunka maxkamada ka soo baxay.

Maxkamadda ay dowladda Kenya ku wargelisay in ay isaga baxdo aagga badda Soomaaliya loo xukumay.

Maxkamadda ICJ ayaa sida hoose u calaameysay xudduud-badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan xudduud-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday; haseyeeshee inyar ayaa laga reebay xudduud-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kaddib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Lasoco Falanqeynta qodobkan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com