Doorashada Kursigi ugu dambeyey Barlamaanka oo dhuusamareeb kadhacday

HomeWararka

Doorashada Kursigi ugu dambeyey Barlamaanka oo dhuusamareeb kadhacday

Doorashada Kursigii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Puntland oo xalay casho sharaf u sameyeey Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya
Munaasbaad lagu Xusayaay Maalinta HIV AIDSka oo lagu qabtay Gaalkcyo (dhegayso)
TALOKEEN: Talooyinka ku saabsan Fatahaadaha (dhegayso)

Doorashada Kursigii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Doorashadan waxaa ugu cad caddaa Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxamed Cilmi Afrax oo horay ugu tartamay Madaxweynaha Galmudug sidoo kalena noqday Wasiirka Qorsheynta Galmudug.

Doorashada waxaa sidoo kale kula tartamayay Cabdullaahi Xersi,waxaana natiijada noqotay sidan hoos ku xusan

Cabdullaahi Faarax Weheliye 28; Cod
Maxamad Cilmi Afrax 17; Cod
Cabdullaahi Xersi 3, Cod
Waxaa xumaaday 3; Cod.

Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa wareegga 1aadba helay codad ku filan oo ah 28,sidaas ayuu ku noqday Xildhibaanka ugu dambeeyay ee ku biira Golaha shacabka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: