Guddoomiyaha Gobalka Hiraan oo Xilkii laga qaaday

HomeWararka

Guddoomiyaha Gobalka Hiraan oo Xilkii laga qaaday

Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan,

Xukumadda Somaaliya oo Ka Hadashay Warbixin Kaso Baxday QM
Golaha Wasiiradda Jubbaland oo la ansixiyeey
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, halka Gudoomiyaha Cusub loo Magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Xil ka qaadista lagu sameeyay oo Soo jiitamayay Muddooyinkaan ayaa ugu dambeyn sababay in Xilka laga qaado.

Cabdullaahi Axmed Maalin oo ah Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer isku dayay in uu qabto Xilkaan, waxaana kaga guuleystay Cali Jeyte Cismaan iyo Cabdifitaax Xasan Afrax.

Gudoomiye Maalin ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Madax katirsan Maamulka Hir-Shabeelle tan iyo markii uu soo baxay Khilaafka sababay xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte si uu markaan ugu guuleysto qabashada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: