Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ku dhawaaqday Waqtiga la qaadayo Imtixaan Sanadeedka 2017/18.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidahaiyo Tacliinta Sare Dr. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay u diyaar garowday Qaadista Imtixaanka Qaran ee Sanad Dugsiyeedka 2017-2018-ka.

Ardayda Sanadkaan u fadhiisaneysa gelista Imtixaanka waxa uu ku sheegay in ay gaarayaan 27-kun oo arday, ayna ku kala geli doonaan Magaalada Muqdisho iyo Caasimaha Dowlad Goboleedyada.

Waqtiga uu bilaabanayo Imtixaanka waxa uu ku sheegay in ay tahay 12-ka Bisha soo socota ee May, Imtixiaankana lagu diyaariyay Dalka, wixii qarash ah ee ku baxayana ay dhiibeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Wasiirada Waxbarashada Maamul Goboleedyada kala hadlay sidii Imtixaanka Wasaaraddu ay diyaarisay looga qaadi lahaa Ardayda sanadkaan ka gudbeyso Dugsiga sare.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com