Dowladda Baxrayn oo ka hadashay Xiisada Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka

HomeWararka

Dowladda Baxrayn oo ka hadashay Xiisada Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa waxa uu ka hadlay Diyaaradii Imaaraadka ee Lacagta waday ee dhawaan lagu qab

SSC-Khatumo demands federal and international support
Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Degmada bardheere ee Gobalka Gedo
Maxay ka wada hadleen Ra’iisal Wasaare Xamse iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ?

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa waxa uu ka hadlay Diyaaradii Imaaraadka ee Lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna aad u naqdiyey waxa uu ugu yeeray Anshaxa DFS, waa sida uu hadalka u dhigay.

Khaalid Bin Axmed Al-khaliifa o oay Dowladiisa Ibahaysi dhow la leh Dowladda Imaaraadka Carabta, waxa uu difaacay Siyaasadda Imaaraadka ee ku wajahan Somalia, oo uu xusay inay kaalin ka qaadatay La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida.

“Dowladda Imaaraadka waxay qabatay dhowr Shirweyne oo lagu taageerayey dalka Somalia iyo Madaxweynaha haatan ” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Baxrayn, oo intaasi ku daray inay Dowladda Imaaraadka u fidisay DFS dhamaan wixii tageero ah, sida Dhaqaale, Hub iyo Daawooyin.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka waxay War Saxafadeed ka soo saartay Diyaaradii Lacagta waday ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Bayaanka ayaa lagu sheegay inuu falkaasi xad=giudub ku yahay Diplomaasiyadda iyo Xeerarka Caalamiga ee Diyaaradaha Rayidka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: