Dowladda Federaalka oo Guddi u saartay Wadashaqaynta Hay’addaha UNka

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo Guddi u saartay Wadashaqaynta Hay’addaha UNka

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta

Guddoomiye Abuukar Geelle oo ka hadlay xaalka Laascaano iyo 2 qof oo Somaliland dishay (dhegayso)
Bulshada Minneapolis oo Daljir la hadlay kadib Salaada Ciidul Adxa
Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiye doortay

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhismaha guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, kaasi oo u idman la shaqeynta iyo inuu iskaashi toos ah la sameeyo guddi kale oo Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qeyb ah istiraatiijiyad ee hirgeliya hab dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.

Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidatan:

1- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)

2- Wasaaradda Maaliyadda

3- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha

4- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

5- Wasaaradda Amniga Gudaha

6- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

7- Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka

8- Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle

9- Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud

10- Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen

11- Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: