HomeUncategorized

Mareykanka oo Gaadiid ugu deeqay dawladda federaalka

Muqdisho, May 19 - Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dowladda KMG ee Soomaaliya gaadiid loogu tala galay inay adeegsadaan madaxda iyo ciidamada dowladda.

Dowladda Jabuuti oo beenisay in ciidamo looga dilay magaalada Muqdisho.
Meleteriga huwanta iyo ururka Al-shabaab oo dagaal khasaare badan xalay ku dhexmaray Mahadaay
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Koshin

Muqdisho, May 19 – Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dowladda KMG ee Soomaaliya gaadiid loogu tala galay inay adeegsadaan madaxda iyo ciidamada dowladda.

Gaadiidka ayaa dowladda Mareykanka waxa ay usoo marsiisay Soomaaliya saraakiisha ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.

Munaasabad gaadiidka loogu wareejinayay dowladda faderaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay kadhacday taliska ciidanka AMISOM ee xallanne, waxaana kasoo qaybgalay madax katirsan ururka Midowga Afrika iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Guti oo ka hadlay munaasbaadda wareejinta gaadiidka ayaa tilmaamay gaadiidkan in lagu xoojin doono ciidamada dowladda Soomaaliya.

Kuxigeenka ergayga Midowga Afrika Wafula Wa munyiyi oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay AMISOM inay ka tagayaan Soomaaliya, amaankana ay la wareegayaan ciidamada dowladda Soomaaliya sidaasi daraadeed ay saacidyaan ciidamada inay amaank guud ay kala wareegaan.

Kuxigeenka Ra?isul wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka gudoomay deeqda saraakiisha AMISOM, waxaana uu u mahadceliyay saraakiisha AMISOM iyo dowladda Mareykanka.

Tirada guud ee gaadiidka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday Soomaaliya ayaa ah 16-gaari oo isugu jira kuwa xamuulka qaada ee ciidamada lagu daad gureeyo, lix gaari oo ah nooca dagaalka, todoba gaari oo ah nooca sahayda ciidanka u qaada iyo afar gaari oo ay madaxdu adeegsadaan.

Diiwaanka wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: