Waddo kamid ah waddooyinka Bossaso oo la dayactirayo, kaddib barnaamijyo iyo farriimo ka baahay Radio Daljir (sawiro)

HomeWararka

Waddo kamid ah waddooyinka Bossaso oo la dayactirayo, kaddib barnaamijyo iyo farriimo ka baahay Radio Daljir (sawiro)

Wadada laamiga ee dhexmara magaalada Bosaso ayaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay in dayactir lagu sameeyo, wadadaan ayaa hormarta shirkadda Isgaa

Caawa & Daljir iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Malayshiyaad hubaysan oo dil ka gasytay degaan katirsan gobolka Galgaduud
Siyaasi Siciid Diiriye oo ka digey in la farageliyo doorashada Jubbaland (Daawo)

Wadada laamiga ee dhexmara magaalada Bosaso ayaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay in dayactir lagu sameeyo, wadadaan ayaa hormarta shirkadda Isgaarsiinta ee Golis Telcom ilaa iyo aagga Afar irdoodka ee Bosaso, halkaasi oo ay horay ugu jiray waddo xummo ay dhibaato ku qabeen gaadiidlayda magaalada Bosaso iyo dadwaynaha.

Maamulka gobolka Bari, degmada Bosaso, culimaa’udiinka iyo guddi loo xilsaaray dayactirka wadadan ayaa ka qaybgalay munaasbadda wadadan lagu dhagaxdhigayay in la dayactiro.

Warbixino iyo farriimo uu horay uga sameeyey wadadan Radio Daljir ayaa lagu joojiyay, kadib markii maamulka gobolka Bari iyo maamulkii hore degmada Bosaso ay sheegeen inay dayactirayaan wadadan oo la joojiyo farriimahan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: