Wacaal daray ah: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe

HomeWararka

Wacaal daray ah: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali

Bosaaso oo laga furay xarunta Maareynta iyo daryeelka Covid-19 (Daawo)
Togga Dhuugley: Biyaha Puntland iyo Dhagaxdhigga Biyoxireenka Xamxamaa (dhegayso)
Wasaarada Caafimaadka Puntland: “Waxaan ka digeynaa oo marwalbana ku celcelinaa in aan bukaanka qaba Covid19 lagu heyn guryaha”

Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 5 April 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

Xeer Madaxweyne Lr. 52 April 05, 2018, kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Tala soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.
Marky caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is Qabqabsi .

Wuxuu xeeriyey.

1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Garoowe.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: