Wasaarada Caafimaadka Puntland: “Waxaan ka digeynaa oo marwalbana ku celcelinaa in aan bukaanka qaba Covid19 lagu heyn guryaha”

Wasaarada Caafimaadka Puntland: “Waxaan ka digeynaa oo marwalbana ku celcelinaa in aan bukaanka qaba Covid19 lagu heyn guryaha”

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada caafimaadka dowladda Puntland ayaa uqornaa sidan:

Sidaad la wada socotaan waxaa weli lagu jiraa hirkii saddexaad aa caabuqa Covid-19 iyadoo bilihii March iyo April ee sannadkan tirada dadka u dhimanaya xanuunkan uu kor u kac ku yimi.

Wasaaraddu waxay magaalooyinka Puntland ka diyaarisay meelo lagula tacaalo dadka xanuunka Covid-19 la il-daran. Xarumahaas waxaa diyaar ku ah qalabkii, shaqaalihii iyo weliba oxygentii. Fadlan haddii aad u baahato caawimo caafimaad oo ay ka mid tahay Oxygen tag ama gee qofka ehelkaaga ah ee baahidaa qaba xarunta kugu dhow ee magaaladda aad joogto ama la xiriir maamulka caafimaadka ee magaaladaada. Waxaad kaloo wici kartaa Puntland Covid -19 call centre ka 343.

Waxaan ka digeynaa oo marwalbana ku celcelinaa in aan bukaanka lagu heyn guryaha, oo la qarin kadibna lasoo saarin xili aan waxba laga qaban karin. Waxaad qofka keentaan xarunta latacaalidda COVID-19 marka laga helo xanuunka si loola socdo xaaladdiisa.

Waxaa socda qorshe kale oo aan sida igu degdegga badan loogu keeni lahaa wershedaha dhaliya Oxygen-ta magaalooyinka waaweyn si loo daboolo baahida Oxygen-ta guud ahaan Puntland.

Caabuqa Covid19 waxaynu ugu guulaysan karnaa wadajir, waa in shacabku raacaan tallooyinka Caafimaad iyo Wargelinta joogtada ah. Waa in laga digtoonaadaa in qofka la keenayo xarmaha la tacaalidda Covid-19 dadka ehelka ahi soo wada raacaan kana taxaderaan badqabkooda.

Xakamaynta Covid-19 waa mas’uuliyad wadareed

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com