HomeUncategorized

10 qof oo ku geeriyootay weerar lala beegsaday goob aflaamta lagu daawado Muqdisho

Mogadishu, Apr 29 -Inta la hubo laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacntay, 10 qof oo kalena waa ay ku dhinteen weerar loo adeegsaday bam nooca gacanta lagu tuuro oo lagu weeraray goob lagu daawado aflaamta oo kutaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Odowaa oo Maanta Booqday xarunta Barlamaanka Dowladda Puntland
Dhagayso Axmed Cawil: Hanjabaadii Soocade wali farbaa nooga taagan, Dacwad ayaana gudbinay
Deegaano hoostaga Buuhoodle oo laga Roobsaday

Mogadishu, Apr 29 -Inta la hubo laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacntay, 10 qof oo kalena waa ay ku dhinteen weerar loo adeegsaday bam nooca gacanta lagu tuuro oo lagu weeraray goob lagu daawado aflaamta oo kutaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarka oo dhacay fiidnimadii xalay ayaan jirin cid sheegatay inay masuul ka ahyd weerarka, goob joogayaal ayaaa ku waramay niman ku hubaysnaa bamgamcmeed inay weerarka gaysteen kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Saraakiisha amniga ee dowladda faderaalka ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday goobta lagu daawanayay aflaamta ee degmada Hodan oo ka mid ah goobaha ay dowladdu ay maamusho.

Magaalada Muqdisho oo ay ku loolamayaan taladeeda ciidamada dowladda faderaalka oo kaashanaya AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa inta ugu badan waxyeelada ka dhalata colaadooda waxaa ay sababtaa in dad badan oo shacab ah ay ku dhex dhintaan.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: