Deegaano hoostaga Buuhoodle oo laga Roobsaday

Axad, Oktoobar 18, 2015 (Daljir) —Tuulada Bandan oo 24 kilomitir dhanka bari ka xigta degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa xalay waxaa ka da’ay Roob gaystay khasaare Hantiyeed’ waxaana biyo badan ay galeen Bakhaarada’ Meheradaha iyo Guryaha waxayna qooyeen raashin badan oo yaalay dukaamada.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Tuulada uu roob hayey mudo shan saacadood oo xiriiri’ islamarkaana ay biyo badan marayeen magaalada’iyagoo Hanti badan khasaare ugaystay waxayna galeen Bakhaaro iyo Meherado.

Waxaa uu sheegay in 12kii Habeenimo uu Roobku bilaamay’Islamarkaana ilaa saaka ay biyuhu soconayaan’waxaa uu sheegay in isusocodkii Tuulada saaka uu hagad galay biyo soconaya owgood.

Sidoo kale Roobka ayaa ka da ‘ay meelo dhowra oo kamid ah Puntland magaalada Gaalkacyo ee xarunat gobolka Mudug iyo qaar kamid deegaanada gobolka ayaa xalay Roob lagu diirsaday uu ka da ‘ay.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com