Odowaa oo Maanta Booqday xarunta Barlamaanka Dowladda Puntland

Somalia, November 17, 2015 (Daljir) — Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo booqday aqalka gollaha wakiiladda Puntland oo lagu soo gaba-gabaynayo madasha wadatashiga heer qaran ee 2016, iyadoona dadka ka qayb galaya shirka ay heer gabo gabo ah marinayaan doodahooda ku aadan waddada loo marayo doorashada soo socota noocey noqon karto.

Wasiir Cabdiraxmaan Odayaa waxaa hoolka kusoo dhaweeyay wasiiradda shaqada iyo shaqalaha iyo wasiirka Deegaanka kuwaasoo u xilsaaran shirarka wadatashiga doorashada 2016 ee Puntland.

Odawaa ayaa ka qayb galayaasha shirkan u sheegay sababta ay Garowe u yimaadeen tahay sidii ay u ogaan lahaayeen aragtida shacabka ee la xariirta habka doorashada loo wajahayo iyo helitaanka dowrka shacabka.

Waxa uu sheegay Odawaa inay marayaan hadda meel wanaagsan oo xaalada dalku soo hagaagayso, balse ay muhiim tahay in si qoto dheer looga wada tashada doorashada 2016.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com