Qarax gaari oo kadhacay isgooyska Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

HomeWararka

Qarax gaari oo kadhacay isgooyska Maka Al-Mukarama ee Muqdisho

Afartii galabnimo ayaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho qarax gaari loo adeegsaday , kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama goob gaadiidka ay ku

HOWLGALO KASOCDA GOBOLKA SHABEELADA HOOSE
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo Garoowe Jaamacad Cusub Ka Dhagax Dhigay (DHEGAYSO)
Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)

Afartii galabnimo ayaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho qarax gaari loo adeegsaday , kaasi oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama goob gaadiidka ay ku baaraan ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Goobta qaraxa kadhacay ayaa waxaa u dhow wasaaradda arimaha gudaha, waxaana uu dhacay xilli ay ciidamadu baarayeen gaadiidka wadada maraya oo saf ku jiray.

Gaadiidka gurmadka degdega ayaa qaaday dad waxyeelo uu kasoo gaaray qaraxii galabta kadhacay wadada Maka Al-Mukarama.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xilli habeenimadii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay uu ka dhacay hotelka Wehliye ee Muqdisho qarax khasaare gaystay oo ay ku dhinteen 15 qof.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: