Qabuuro kuyaala Kismaayo oo dibadda loo soo saaray

HomeWararka

Qabuuro kuyaala Kismaayo oo dibadda loo soo saaray

Qabuuro kuyaala dhanka bari ee magaalada Kismaayo ayaa dibadda loo soo saaray oo la faagay, taasi oo ay siwayn u hadal hayaan bulshada qaybaheeda kale

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Bosaaso ka furtay shir lagu qiimaynayo caafimaadka Bari iyo Gardafu (dhegayso)
Shirkado Maalgashanaya Puntland oo Garoowe soo gaaray ( dhegayso | daawo )
Sidee looga Ciiday maanta degmadda degmadda Ufayn?

Qabuuro kuyaala dhanka bari ee magaalada Kismaayo ayaa dibadda loo soo saaray oo la faagay, taasi oo ay siwayn u hadal hayaan bulshada qaybaheeda kale duwan ee magaalada Kismaayo.

Qaar ka mid ah culimaa’udiinka magaalada Kismaayo iyo masuuliyiinta maamulka degmada ayaa booqday qabuuraha Cagadhiig ee duleedka Bari ee Kismaayo, waxaana ay sheegeen inay mamnuuc tahay qabuuraha dibadda in loo soo saaro.

Maamulka degmada Kismaayo ayaa ku eedeeyey dadka qoda ciidda guryaha lagu dhiso inay ka dambeeyeen in qabuurahan lasoo fago, kadib markii ay ciidda ay ka qaadeen goob qabuuro ah markii hore.

Culimaa’udiinka ayaa dadwaynaha kula dardaarmay in la xurmeeyo oo aan la taaban qabuuraha.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: