HomeUncategorized

Wasiirka kalluumaysiga ee Puntland oo ka hadlay amaanka iyo biyo yari ka jirta gobolka Cayn.

Buhodle, Apr 12 -Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraada badda ee Puntland ayaa sheegay xaaladdo biyo yari iyo colaaddo isbiirsaday inay ka jirto magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Cayn.

Baahin: Arbaca, Feb 01, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossao. 11 qof oo rayad ah oo ku dhimatay shil laba gaari oo isku dhacay duleedka Galkacyo; Tartanka ciyaaraha gobollada Puntland oo maanta ka bilawday Garowe; Ciidanka dawlada federaalka oo qabsaday deegaanka Hoosingow, J. Hoose; Warbixin ku saabsan mashruuca balaarinta & dayactirka dekeda Bossaso.
Gudoomiyaha gobolka Hayland oo ka hadlay Banaanbax ka dhacay Dhahar (Dhegayso)
Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in dastuurka Soomaaliya laga daayo Fara-galinta

Buhodle, Apr 12 -Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraada badda ee Puntland ayaa sheegay xaaladdo biyo yari iyo colaaddo isbiirsaday inay ka jirto magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Cayn.

Eng Maxamed Faarax Aadan oo ah wasiirka kallluumaysiga oo isagoo ku sugan magaalada Buuhoodle waraysi siiyay Radio Daljir ayaa tilmaamay biyo la’aanta ka jirta magaalada Buuhoodle iyo tuulooyinka hoosyimaadda inay saamayn xoogan ku keentay noloshada bulshada gobolka Cayn ku nool.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay weli gobolka in laga dareemayo colaaddo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Somaliland.

Waxaa uu sheegay dagaaladii ugu dambeeyay ee gobolka Cayn inay dharbaaxo xoogan ay ku dhufteen ciidamada Somaliland ee soo weeraray deegaano ka mid ah gobolka Cayn, wasiirka ayaa tilmaamaya dowladda faderaalka iyo maamulka Puntland in looga baahanyahay inay dagaalka ka qaybgalaan.

Maamulka Khaatumo oo looga dhawaaqay deegaano ka mid ah gobolka Sool ayaa marar badan sheegay dagaalada ka dhacaya goboolka Cayn inuu yahay dagaalo u dhaxeeya dadka deegaanka oo taageeraya maamulka Khaatumo dagaalna ay kula jiraan ciidamada Somaliland.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: