Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland oo ka hadashay siidaynta Markabka MV-leilla.

Bosaso, Apr 13 -Wasiirka wasaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda ee Puntland ayaa ka hadlay siidaynta markabka ganacsi ee MV-leila oo galinkii dambe ee shalay ay kooxo burcadbadeed ah ay siidaayeen kadib afduub ay muddo sadex bilood ah ay u haysteen.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage ayaa shirsaxaafadeed uu ku qabtay xafiiskii waxaa uu sheegay siidaynta markabka ganacsi ee MV-leila inuu ku yimid dadaallo ay sameeyeen ganacsatada,culimaa’udiinka iyo dowladda Puntland.

Waxaa uu sheegay kaalinta dowladda ee siidaynta markabka inuu ahaa cadaadis ay saareen kooxaha afduubka u haystay markabka iyo shaqaalaha la socday.

Waxaa uu tilmaamay wasiirku dowladda inay xiligaan ay waddo dadaal lagu dardar gelinayo ciidamada badda ee Puntland si ay fariisimo ugu samaystaan xeebaha Laasqoray ilaa iyo Garacad.

Markabka MV-leila oo u kiraysnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa la siidaayay maarliintii shalay, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa ka gaabsaday in lacago madaxfurasho lagu siidaayay iyo in kalle.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com