HomeUncategorized

Gudoomiyaha gobolka Hayland oo ka hadlay Banaanbax ka dhacay Dhahar (Dhegayso)

Dhahar Nov 25, Degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ee Puntland maanta waxaa ka dhacay bannaanbax lagu lagu diidan yahay maamulka Somaliland iyo hannaankiisa olahaha doorashada oo ay suuragal tahay in ay ku faahfaan meelo Puntland ay maamusho oo degmada Dhaharna ay ka mid tahay.

Dhagayso – Barnaamijkii Saakay iyo Dunida Talaado 10-Janu-2017 Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin)
DHEGEYSO-Magaalada Qardho oo laga hirgeliyey Nootaayo sharci ah.
21 Xildhibaan oo Guddoonka Baarlamaanka Puntland ka dalbaday fadhi aan caadi ahayn

?

Dhahar Nov 25, Degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ee Puntland maanta waxaa ka dhacay bannaanbax lagu lagu diidan yahay maamulka Somaliland iyo hannaankiisa olahaha doorashada oo ay suuragal tahay in ay ku faahfaan meelo Puntland ay maamusho oo degmada Dhaharna ay ka mid tahay.
?
Banaabaxa oo ay soo abaabuleen ururrada bulshada radyidka ee magaalada Dhahar ayaa yimid kadib markii la helay warar sheegaya in deegaano ka mid ah gobolka ay kusoo fool leeyihiin xubno katirsan maamulka Somaliland oo olollaha doorashooyinka u imaanaya magalaada Dhahar.
?
Guddoomiyaha magaalada Dhahar Maxamed Faarax Ciise, oo bannaanbaxaasi kaddib u warramay Radio Daljir ayaa sheegay in ay qoondaynayaa tallaabooyin looga hortagayo sanaatiikhda codbixinta Soomaaliya oo laga shaki qabo in la keeno Dhahar maalinta doorashadu ay dhacayso 28-ka bishaan.
?
Guddoomiyuhu, waxaa uu tilmaamay awood ciidan iyo arrinkasta oo suuragal ah in ay uga hortagayaan imaatinka sanaatiikhdaas codeed, xilli horena laga sameeyey diyaar garaw mugleh oo moosidda codbixintaas ku saabsan.
?
Dhinaca kale Faadumo Salaad Cilmi oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee degmada Dhahar oo ka mid ah dadkii isu soo baxa muujiyay ayaa Radio Daljir u sheegtay, imaatinka sanaadiikhada cod-dhiibashada ee Somaliland horay in ay dhibaatooyin miisaan culus ugala kulmeen dadka reer Dhahareed, maantana ay ka digayso soo laabashada falalkii gurracnaa ee horay u dhacay.
?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: