Shan carruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dab ka kacay Muqdisho

HomeWararka

Shan carruur iyo hooyadood oo ku geeriyooday dab ka kacay Muqdisho

Shan carruur ah, hooyadood iyo qof marti u ahaa ayaa ku geeriyooday kadib dab qabsaday habeenimadii xalay hoygooda oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee go

Haddii aan midaysnaan lahayn Waan ka adkaan lahayn Argagixisada Madaxweyne Farmaajo
Farxaan Cali oo kusoo baxay Kursiga 7aad ee Aqalka Sare Puntland
Dowladda oo sheegtay inay ka hortagtay hub sharci darro ah oo dalka la soo gelin rabay (Akhriso)

Shan carruur ah, hooyadood iyo qof marti u ahaa ayaa ku geeriyooday kadib dab qabsaday habeenimadii xalay hoygooda oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dabka ayaa kacay xilli saq dhexe ah, waxaana la isku dayay in laga badbaadiyo qoyska dabka uu qabsaday inkastoo lagu guul daraystay.

Aabaha qoyska ayaa wararku ay sheegayaan inuu dabka kusoo toosay oo hooyada carruurta dhashay uu isku dayay inuu kasoo saaro balse ay diiday iyadoo sheegaysay in carruurteeda ay badbaadin doonto.

Lama oga waxa dhaliyay dabkan ka kacay qoyskaasi ku noolaa magalaada Muqdisho.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0