Dooni ganacsi oo ku gubatay dekedda Bosaso

Dooni ganacsi oo ku gubatay dekedda Bosaso

Waxaa maanta uu dab qabsaday dooni ganacsi oo ka timid wadanka Isu Tagga Imaaraatka Carabta oo soo gaartay dekedda Bosaso.

Doonida ayaa waxaa saarnaa bagaash iyo gaadiid kalle duwan, lama oga sababaha keenay dabkan.

Wararka uu helayo radio Daljir ayaa sheegaya khasaaraha baaxadda wayne ee dabka inuu sabab u ahaa dab damis la’aan ka dhex jirta dekedda Bosaso oo laga waayay gaadiid u gurmada doonida dabka uu qabsaday, xilli dekedda ay maamusho shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee P&O Ports.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com