Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka Barlamaanka Federaalka

HomeWararka

Beesha Caalamka oo ka hadashay Khilaafka Barlamaanka Federaalka

Madaxda Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya. Qoraal kasoo baxay Be

Wasiirka Amniga Galmudug oo Barlamaanka Maamulkaas horgeyeey hindise sharciyeedka dhismaha ciidamada Booliiska
Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Difaaca (Qaybtii 2aad)
Duqa Muqdisho oo Casuumaad u fidiyey Duqa Caasimadda Jabuuti

Madaxda Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.

Qoraal kasoo baxay Beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah Khilaafka loo dhameeyo si loo amba qaado howlaha horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Hormarka Soomaaliya.

“Bulshada caalamku waxay ku boorineysaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in ay ixtiraamaan xukunka sharciga iyo Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee xalinta khilaafaadka siyaasadeed. Tani waxay u baahan tahay inay ku jirto ilaalinta meelo dimuqraadi ah. Hawlaha kordhiya xiisadaha keena rabshad suurtagal ah waa in laga fogaadaa dhammaan”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0