Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Difaaca (Qaybtii 2aad)

Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Difaaca (Qaybtii 2aad)

Qodobka 7aad: Qof kasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa, kuna caddaato khiyaano Jaajuusnimo waa dil aan laheyn wax mag ah.

***

Guddiga Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta mar kale ku kulmay Buurta, xarunta Madaxtooyada Puntland ee caasimada Garoowe. Guddiga ayaa kulanka maanta ku go’aamiyey awaamiir kala duwan, muujiyeyna in dalku galay xaalad dagaal.

Xaaladdan dagaal ayaa timi kaddib markii Somaliland ay ku soo dhuushay tuulooyinkii ugu danbeeyey ee Gobolka Sool, waxa ayna horey u haysatay magaalo madaxda gobolka ee Laascaanood.

Dhammaan masuuliyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Muuse Biixi, ayna ku xigaan xisbiyada mucaaraadka, ganacsatada, iyo aqoonyahanka reer Somaliland waxa ay mar kasta muujiyeen in ay raalli ka yihiin duullaanka gobolka Sool, waxaana loogu magacdarey “soo xiritaanka xuduudaha Somaliland.”

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii ugu horreysay taariikhda Somaliland waxaa ku furan mucaarad hubeysan iyo kaladhantaalan qabaa’ilada deegaanka, siiba qabiilada deegaanka Ceel Afweyn iyo aagga Ceerigaabo. Saameynta mucaaradka Muuse Biixi kuma eka deegaanka collaadaha qabiilku ka jiraan oo kaliya ee waxaa dhawaan xabsiga la dhigay Boqor Buur Madow oo ka soojeeda deegaanka Burco ee gobolka Togdheer. Boqor Buur Madow ayaa hoggaanka Somaliland ku eedeeyey in uu ka qaybgalay caleemasaarka isin reer Puntland.

Sidoo kale, waxaa saddex maalmood kahor xabsiga la dhigay Suldaan Maxamed Muuse Cune, Suldaanka Guud ee beesha Habar Yoonis, oo ka dhiidhiyey dagaalka qabiileysan ee lagu hayo beeshiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waqtigii loolanka madaxtinimada Somaliland waxa uu si joogto ah u weerari jirey siyaasadda iyo jinsiyadda Puntland iyo qabaa’ilka Daaroodka. Muuse Biixi oo si kulul u weeraraya Puntland, xasuusinayana in ay awoowayaashood raadshaan oo ka waraystaan waxa ay kal hore reer Somaliland kala kulmeen, hadaladiisii waxaa kamid ahaa: “Daarood first … maxaa loo baqayaa … ragga maanta ciidanka ka soo hubaynaya Garoowe dib isu waraysta, awoowayaashiin waraysta, dowladihiinii u danbeeyey waraysta, waligeed Somaliland nin gacan u qaaday asaga oo aan araxda ka jabin kama tegin … geeskaas wixii ka dhaca iska dhaaf cid kalee, Garoowe baa lagu murmayaa, caasimaddaa lagu murmayaa, ballan weeye. Ballan baan taa idin kaga qaadayaa.”

Doorasho kabacdi Madaxweyne Muuse Biixi wuu ka dhabeeyey hanjabaadiisii Puntland waxa uuna amray duullaanka Tukaraq.

Duulaankii Tukaraq kabacdi, Guddiga Difaaca Puntland oo dabasocda awaamiirta Madaxweyne Gaas ee ahaa in la xorreeyo dhammaan dhulka ka maqan Puntland ayaa soo saaray 11 qodob oo biloow u ah xoreynta gobolka Sool:

1: Waxaa lagu wargalinayaa shacabka Puntland in dawladda ay ka go’an tahay Xoreynta gobalka Sool iyo dhamaan dhulka ka maqan Puntland.

2: Aragti kasta oo ka soo horjeeda Midnimada Puntland iyo xoreynteeda waa dambi Qaran, cidii aamisana waxaa loo aqoonsanayaa U gargaare Cadow, sidaas awgeed waxaa lagu qaadayaa xeerka ciqaabta.

3: Hub kasta oo ku sifoobay ama loo arko in uu lid ku yahay xoreynta dhulka maqan, wuxuu la mid noqonayaa Hubka cadowgu haysto.

4: Taliye ciidan iyo Masuul kasta oo xilka haya Maamulka Hargeysa oo kasoo baxa, kana soo wareega mudada howlgalku socdu wuxuu muteysanayaa abaalmarin.

5: Qof kasta oo ka soo jeeda deegaanada Puntland oo u shaqeeya maamulka Hargeysa kana tanaasuli waaya hagardaamada Shacabka iyo dawladnimada Puntland wuxuu mudanayaa Xeerka ciqaabta Puntland.

6: Qof kasta oo cadow Puntlad qariya ama gabaad siiya, isagoo ujeedadiisu tahay in uu waxyeelayo Shacabka iyo dawladda Puntland, qofkas wuxuu la dambi yahay Cadowga uu qariyey, waxaana la marinayaa sharciga.

7: Qof kasta oo gacan siiya qof u shaqeeya maamulka Hargeysa, kuna cadaato khiyaano Jaajuusnimo waa dil aan laheyn wax mag ah.

8: Malaha wax mag ah ama godob ah taliyaha ama masuul kasta ka soo jeeda deegaanada Puntland ee lagu dilo dagaalka isagoo u dagaalamaya Somaliland.

9: Hanti kasta oo uu leeyahay qof reer Puntland looguna shaqeynayo Somaliland waxaa la wareegaya dawladda Puntland.

10: Maxkamadda ciidamadu Qalabka Sida waxay waajibkeeda ka gudanaysaa qof kasta oo dambi ka geysta goobaha Dagaalka, gaar ahaana dil, dhac, kufsi iyo dambi kasta oo laga geysta goobaha dagaalka.

11: Dawladda Puntland waxay cadeynaysaa in aysan cadow ku aheyn Shacabka ku nool gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, waxayna soo dhaweynaysaa cid kasta oo doonaysa midnimada, wadajirka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Hoos ka dhegayso.

Awaamiirta Guddiga Difaaca: Qaybta 1aad

Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Amniga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com