Gudoomiye Jawaari“ Xukumadda hajoojiso Faragalinta Barlamaanka ku hayso”.

Gudoomiye Jawaari“ Xukumadda hajoojiso Faragalinta Barlamaanka ku hayso”.

Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Afhayeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayay Marxadda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Qaabka loo damin karo.

Waxa uu sheegay in Golaha uu Gudoomiyaha u yahay lagu damin karo Siyaasadda soo wajahday in Xukuumadda Federaalka ay joojiyo Faragelinta, sida hadalka uu u dhigay.

Beesha Caalamka, shacabka iyo xubnihii ka qeyb galay doorashii lagu doortay waxa uu ka dalbaday in ay Goob joog ka ahaadaan mooshinka isaga loo qaadayo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu u jeediyay in ay dhowraan sharciga, meeshana ay ka saaraan qof jecleesiga (Qabyaaladda) sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Gudoomiye Jawaari ayaa tibaaxay in Hay’adaha Fulinta iyo Xeerta dejinta ay yihiin labo hay’aad oo kala duwan isla markaana Hay’adda waliba ay leedahay Awood u gaar ah, isla markaana uu ka reeban yahay ku xad gudubka dhanba dhanka kale.

Xiisadaha u dhaxeeya Xukuumadda Golaha Shacabka ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoona Marqaati aamusan uu ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, mana jirto Maxkamad Dastuuri ah oo u xilsaaran guda gelista Arrimahaan oo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com