HomeUncategorized

Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay J/Hoose

Kismayo,Mar 9 -Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya militeriga dalka Kenya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Afhayeenada Xisbul Islam & Ahlu Sunna oo aan ka waraysanay dagaal ku dhex maray Beledweyn.
M/weyne Shariif iyo wafti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Garoowe.
DHEGEYSO-Warbixin ka hadlaysa arargtida siyaasiyiinta ee xilka qaadistii Guuleed.

Kismayo,Mar 9 -Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya militeriga dalka Kenya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Col. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolada Jubooyinka ayaa u sheegay Radio Daljir inay dagaaladu ahaayeen kuwo xoogan oo la isku adeegsaday hubka culus.

Waxaa uu sheegay dagaalada inay kula wareegee fariisin ciidank oo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan kaabiga ku haya Afmadow,waxaana uu sidoo kale sheegay dagaaladu inay sii wadayaan inta ay gobolka ay kaga sifeyn doonaan ururka Al-Shabaab ee dhowaan ku biiray Al-Qaacidda.

Ciidamada dowladda Kenya,dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaaciadda ka waday deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: