Madaxwayne Farmaajo oo la shiray guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir

HomeWararka

Madaxwayne Farmaajo oo la shiray guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir. Warar ku dho

Maxaa looga hadlay Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada dowladda puntland
Guddiga dib u habaynta gobolka Mudug maxay ka badali karaan xaalada gobolka (dhegayso)
Wasiirka Cusub ee Maaliyadda oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir.

Warar ku dhow kulanka ayaa sheegaya in diiradda lagu saarayo arimaha ammaanka ee gobolka Banaadir iyo inay wada shaqayn dhexmarto maamulka cusub ee gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay xilka uga qaaday guddoomiyihii hore gobolka Banaadir, iyadoona lagu badalay Cabdiraxmaan Yariisow oo aha wasiirkii warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: