Dad ku dhaawacmay qaraxii soobe oo dib loogu soo celinayo Soomaaliya

Magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga ayaa waxaa xaflad sagootin ah loogu sameeyey lix ka mid ah bukaanadii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii waynaa ee ka dhacay Isgooyska Soobe 14kii bishii hore ee Oktoober ee sanadkii 2017.

Xafladda ayaa kadhacday safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, waxaana lasoo sagootiyay lix ka mid ah bukaanadaasi.

Bukaanada ayaa xaaladooda ay soo hagaagtay, waxaana la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ahayd dowladaha sida wayn uga qaybqaatay gurmadka bukaanadii weerarkii Soobe ee ay ku geeriyoodeen ku dhowaan sadex boqol oo qof, shan boqol in ka badana ay ku dhaawacmeen, weerarkaasi oo ahaa kii ugu waynaa ee Soomaaliya kadhaca.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com