Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wafdi kasocda Midowga Yurub (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wafdi kasocda Midowga Yurub (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabi

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Puntland (Sawiro)
Hirshabeelle: 4 Gu’ Ka GADAAL Caqabado iyo Casharo (Faallo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasada iyo Warbaahinta Midowga Yurub Fulgencio Garrido iyo Safiir ku xigeenka Netherlands ee Soomaaliya Tijmen Rooseboon oo ay weheliyaan xubno kasocday Hay’ada qoxootiga Aduunka ee UNHCR.

Kulankan ayaa qaybtiisa hore lagag hadlay dardar galinta howlaha Siyaasada Soomaaliya iyo amaanka iyadoo sidoo kale diirada la saaray sidii Xasiloonida wadanka ee dhinaca Siyaasada loo adkayn lahaa iyo howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha waxa ay reer Galbeedku ugu yeeraan Argagixisada.

Waxaa kale oo Xubnaha ka socday UNHCR Safiirka Netherlands iyo Madaxweynahu si qoto dheer uga wada hadleen howlaha la xiriira qoxootiga iyo dib usoo laabashada muwaadiniinta ka soo noqonaya Xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: